Wasiirka wasaarada gaadiidka iyo duulista hawada Dowlada Fedraalka Soomaaliya Duraan Axmed Faarax ayaa sheegay in farsamo ahaan loo furey hawada Soomaaliya duulimaadda ka imaanaya wadanka Kenya.
Wasiirka ayaa Xusay in ka Wasaarad ahaan ku eg yihiin awood ahaan dhanka farsamada, halka jaangoynta siyaasadda ay dowladda u qaabilsan tahay wasaaradda arrimaha dibadda iyo iskaashiga Caalamiga ah ee Soomaaliya.
Hadalka Wasiirka ayaa ku soo aadaya ayadoo saaka ay dib u bilowden duulimaadyadii tooska ahaa ee labada wadan Soomaaliya iyo kenya kadib markii dawladda Kenya ay qaaday xayiraadii ay ku soo rogtay duulimaadyadii Soomaaliya aadi jiray iyo kuwii ka imaan Jiray bishii May e eina dhaaftay.
Xiligaas wixii ka danbeeyey duulimaadyada ka imanayey Soomaaliya ama aadayay Kenya ayaa gabi ahaanba Meesha ka baxay waxaa lasoo darsey caqabad weyn, dadweyne siyaabo kala duwan ugu socdaali jirey labadaan wadan.
Xiriirka labada dal ayaa sii xumaanayey dhawrkii sano ee uggu dambeeyay, iyadoo labada dhinac midba midka kale uu ku eedeynayey mas’uuliyadda dhibaatada ka dhex aloosan.
Waxaa jira qasaaro soo saarey ganacsatada iyo dowladdaha labadan dal, in kastoo aanan wali lasoo saarin cadadda iyo qeybaha ay sida gaarka ah u taabteen Xayiraada iyo Xariirka Xumaaday.