Shirweynaha qaaradda Afrika iyo Faransiiska oo berri ka billaabanaya Nairobi

0
176

Waxaa magaalada Nairobi soo gaaray madaxda dalalka qaaradda Afrika ee berri oo ah 11-ka bishan Shanaad ee May ka qayb galaya shirweynaha u dhexeeya Afrika iyo dalka Faransiiska.
Shirkan oo soconaya labo cishe ayaa waxaa sidoo kale ka qayb qaadan doono saraakiisha dowladda, dibloomaasiyiin, hoggaamiyaasha ganacsiga, wakiillada dhallinyarada iyo ururrada bulshada.
Kulanka ayaa diiradda lagu saaraya xoojinta iskaashiga ka dhexeeya Afrika iyo Faransiiska gaar ahaan dhanka ganacsiga, maalgashiga, hal-abuurka iyo horumarka waara.
Xoghayaha arrimaha dibadda ee dalka Korir Singoei ayaa sheegay in shirweynaha sidoo kale lagu eegi doono in la helo xalal dhaqangal ah oo loo dhan yahay oo looga gol-leeyahay adkeynta horumarka dhaqaale ee qaaradda Afrika iyo baraaraha oo la wadaago.
Kulanka ayaa lagu qaban doonaa xarunta shirarka caalamiga ee KICC ee magaalada Nairobi waxaana si wadajir ah u martigelin doono madaxweyne William Ruto iyo dhiggiisa Faransiiska Emmanuel Macron.