DHAGEYSO:Fatuma Dullo oo ku baaqday in mudnaan la siiyo waxbarashada gabdhaha

0
168

Senatarka laga soo doortay ismaamulka Isiolo, Fatuma Dullo, ayaa ku boorrisay bulshooyinka xoola dhaqatada ee Waqooyiga dalka inay mudnaan gaar ah siiyaan waxbarashada, gaar ahaan tan gabdhaha, iyadoo sheegtay in awood siinta carruurta ay muhiim u tahay mustaqbalka gobolka.
Fatuma Dullo ayaa hadalkan ka sheegtay munaasabad lacag uruurin ah oo lagu qabtay Dugsiga Sare ee Sessi Mixed Day Secondary School ee magaalada Moyale.
Waxaa ay xustay in waxbarashada ay tahay furaha horumarka bulshada isla markaana ay kaalin weyn ka qaadan karto yareynta saboolnimada iyo caqabadaha ka jira deegaannada xoola dhaqatada.
Senatarka ayaa sidoo kale ku baaqday in shacabka ay si weyn isu diiwaangeliyaan si ay cod u dhiibtaan doorashada guud ee 2027.
Waxaa ay tilmaantay in ka qaybgalka shacabka ee doorashooyinka iyo maalgelinta waxbarashada ay muhiim u yihiin horumarka iyo matalaadda siyaasadeed ee Waqooyiga waddanka.
Fatuma Dullo ayaa dhanka kale dowladda ka codsatay in ay xalliso dhibaatooyinka amni darrada ah iyo iskudhacyada saameeya xuduudda ismaamullada xoolo dhaqatada.

Dhanka kale Senatarka dowladda deegaanka Mandheera ahna hoggaamiyaha xisbiga UDM, Cali Ibraahim Roba, ayaa ugu baaqay shacabka ku nool Waqooyiga dalka inay si tiro badan isku diiwaangeliyaan si ay codkooda u dhiibtaan doorashada guud ee 2027, isla markaana ay taageeraan dib u doorashada madaxweyne William Ruto.
Senatarka ayaa sidoo kale amaanay mashruuca waddada Isiolo iyo Mandheera.
Waxaa uu ku tilmaamay mid ka mid ah guulaha ugu waaweyn ee laga hirgeliyay Waqooyiga waddanka.
Waxaa uu sheegay in waddadaas ay kor u qaadi doonto isku socodka, ganacsiga iyo horumarka guud ee gobolka.