Aaska Martin Kara ayaa lagu hakiyay deegaanka Ciagiini ka dib markii shacabka deegaanka ay isugu soo baxeen iyagoo dalbanaya caddaalad ku saabsan dilkiisa. Dadka deegaanka ayaa muujiyay caro iyo walaac ay ka qabaan sida loo maareeyay baaritaanka kiiska, iyagoo sheegay in wali aan si cad loo shaacin cidda ka dambeysay dilka.
Qoyska ninka geeriyooday iyo shacabka deegaanka ayaa ku eedeeyay hay’adaha ammaanka inay gaabis ka yihiin baaritaanka kiiska, waxaa ayna ku baaqeen in si degdeg ah loo soo qabto loona maxkamadeeyo dadka ku lugta leh dilka Martin Kara. Dadka dibadbaxa dhigay ayaa sheegay in aan la aasi doonin ilaa laga helo ballanqaad rasmi ah oo ku saabsan caddaalad iyo baaritaan hufan.
Dhanka kale booliiska ayaa sheegay inay sameyn doonaan baaritaan dhamaystiran si loo soo qabto dadkii ka dambeeyay dilka ninka dhallinyaradda ah.




