DHAGEYSO:Xujeydii ugu horreysay ee Soomaaliyeed oo maanta laga sagootiyay Garoonka Aadan Cadde

0
460

Xujeydii ugu horreysay ee Soomaaliyeed ayaa maanta si rasmi ah looga sagootiyay Garoonka magaalada Muqdisho ee Aadan Cade kuwaas oo u amba baxay gudashada waajibaadka Xajka ee sanadkan.
Guddoomiyaha Midowga Culimada Soomaaliyeed Sheekh Aadan Macalin Sugoow (Suufi Yare) ayaa kula dardaarmay xujeyda Soomaaliyeed in ay ilaaliyaan waajibaadka diinigooda si ay xajkooda u gutaan.