Israa’iil oo weerarro ka fulisay dhowr magaalo oo ku yaalla koonfurta Lubnaan

0
208

Ciidamada Israa’iil ayaa madaafiic ku garaacay magaalooyinka Zawtar al-Sharqiya, Yahmar al-Shaqif iyo Bayt al-Sayyad, sida ay sheegtay warbaahinta maxalliga ah. Sidoo kale, diyaarad aan duuliye lahayn ayaa duqeysay magaalada Srifa, halka duqeyn kale lagu beegsaday magaalada Toul.
Dhanka kale, Wakaaladda Wararka Qaranka Lubnaan (NNA) ayaa sheegtay in maanta ugu yaraan sagaal qof lagu dilay duqeymo ka dhacay koonfurta dalka.
Dhanka kale, weerar ay fuliyeen diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ee Israa’iil oo lagu qaaday magaalada Deir el-Balah ee bartamaha Qaza ayaa la sheegay inuu dhaawacay ugu yaraan lix qof, sida ay sheegeen wariyeyaasha goobta ku sugnaa.