Hay’adaha sirdoonka ee dalka Iiraan ayaa sheegay in ay burburiyeen shabakado lagu eedeeyay basaasnimo iyo falal waxyeello leh oo lala xiriirinayo Mareykanka, Israa’iil iyo Boqortooyadda Ingiriiska. Howlgalladan ayaa ka dhacay magaalada Kerman ee koonfur-bari dalkaas.
Warbixinta rasmiga ah ayaa sheegtay in la xiray 51 qof oo lagu eedeeyay ururinta xog sirdoon, abaabul hubeysan iyo kicinta qalalaase. Sidoo kale, hay’adaha ayaa sheegeen in la aqoonsaday lana burburiyay dhowr kooxood oo basaasnimo iyo shabakado la xiriira.
Tallaabadan ayaa qayb ka ah olole amni oo ballaaran oo ay dowladda Iiraan ku xoojisay la dagaallanka waxa ay ku tilmaamtay faragelin shisheeye, gaar ahaan xilli ay sare u kacday xiisadda gobolka.




