DHAGEYSO:Waalidiinta ismaamulka Elgeyo Marakwet oo ka cabanaya kharashaadka sare ee waxbarashada

0
150

Iyadoo ardayda ay dib ugu laabanayaan dugsiyada xilli dugsiyeedka labaad ee sanadka, waalidiinta ku nool ismaamulka Elgeyo Marakwet ayaa ka cabanaya sare u kaca kharashaadka nolosha, iyagoo sheegay in arrintan ay caqabad weyn ku noqotay diyaarinta carruurtooda si ay ugu laabtaan waxbarashada.
Waalidiinta ayaa ugu baaqay dowladda in ay hoos u dhigto qiimaha badeecadaha aasaasiga ah, gaar ahaan agabka waxbarashada sida buugaagta iyo dharka iskuulka. Waxaa ay tilmaameen in qiimaha nolosha uu si aad ah u kordhay, taas oo ku reebtay dad badan xaalad ay ku adagtahay daboolidda baahiyahooda maalinlaha ah.
Xaaladdan ayaa la sheegay inay sii adkeyneyso dadaallada waalidiinta ee hubinta in carruurtooda ay si joogto ah u helaan waxbarasho, iyadoo qaar badan ay la daalaa dhacayaan sidii ay u bixin lahaayeen kharashaadka muhiimka ah.