DHAGEYSO:Digniin loo diray dadka ku nool hareeraha wabiga Tana

0
39

Dadka ku nool hareeraha Wabiga Tana ayaa lagula taliyay inay u guuraan dhul sare maadaama la filayo in wabigu uu buux dhaafo ka dib roobab xooggan oo la sadaaliyay usbuuca soo socda.
Waaxda saadaasha cimilada ayaa sheegtay in daadadku ay u badan tahay inay ka dhacaan deegaanada Garissa, Hola iyo Garsen halka qaybaha kale ee dalka la filayo inay ka da’aan roobab culus ilaa kuwo dhexdhexaad ah.
Dhinaca kale roobab xooggan oo dalka ka da’ay saacadihii la soo dhaafay waxaa uu saameyn adag ku yeeshay isku socodka caasimadda dalka ee Nairobi.