Laba sarkaal oo ka tirsan booliiska ayaa lagu kala xukumay 30 sano iyo 10 sano oo xabsi ah, ka dib markii maxkamadda ay ku heshay inay dileen eedeysane lagu hayay xabsiga saldhigga booliiska oo ku yaalla Nyamatoki ee ismaamulka Nyamira.
Maxkamadda ayaa dambiga ku heshay dable James Ogwagwa Nyakina iyo laba alifle Jackson Kirui Kipngeno, kuwaas oo lagu helay dilka Amos Kemosi Kereri. Ninkaas ayaa la xiray xilli roondo habeenimo ah, waxaana la dhigay xabsiga halkaas oo lagu garaacay ilaa uu ka geeriyooday habeenkii 19-kii Agoosto 2019.
Caddeymo la horgeeyay maxkamadda ayaa muujiyay in ninka geeriyooday uu caafimaad qabay markii la xirayay, balse uu dhaawacyo culus ka soo gaaray intii uu ku jiray xabsiga. Subaxdii xigtay ayaa isbitaal loo qaaday, balse waxaa la sheegay inuu geeriyooday markii la geeyay isbitaalka.
Maxkamadda ayaa sheegtay in falkaas uu yahay xadgudub culus oo lagu sameeyay mas’uuliyadda lagu aamminay booliiska, iyadoo la xusay in saraakiisha ay si wadajir ah uga qeyb qaateen weerarka. Waxaa sidoo kale la tilmaamay in dacwadda ay caddaysay xadgudub awoodeed oo halis ah, maadaama saraakiishii la rabay inay ilaaliyaan nolosha ay noqdeen kuwii sababay dhimashada.




