Wasiirka Caafimaadka Aadan Barre Ducaale, ayaa ku baaqay in la xoojiyo tallaabooyin wadajir ah oo ay ka qayb qaataan dhammaan waaxyaha si wax looga qabto kororka cudurrada aan faafin, dhaawacyada, iyo xaaladaha caafimaadka maskaxda ee ka sii kordhaya Afrika. Hadalkan ayuu ka jeediyay kulan wasiirro oo ka dhacay Xaruunta Qaramada Midoobay ee Nairobi.
Kulanka ayaa waxaa soo qabanqaabisay Xaruunta Afrika ee Xakamaynta iyo Ka Hortagga Cudurrada iyada oo loo marayo barnaamijyada MECA iyo SPARK-NCDs. Ducaale ayaa sheegay in kororka cudurradan uu ka dhashay arrimo ka baxsan waaxda caafimaadka oo keliya, taasoo u baahan jawaab isku dhafan oo ay wadaagaan dhammaan hay’adaha dowladda.
Waxaa uu tilmaamay dadaallada Kenya ay ku xoojinayso maamul wanaagga iyo isla xisaabtanka, isagoo xusay Guddiga Qaran ee Isku dubaridka Cudurrada Aan Faafin iyo siyaasado la jaanqaadaya daryeelka caafimaad ee loo dhan yahay. Sidoo kale, waxaa uu carrabka ku adkeeyay muhiimadda ay leedahay in la ballaariyo ka hortagga heer bulsho, yareynta waxyaabaha halista ah, iyo kordhinta baaritaannada hore oo ay fuliyaan howl wadeennada caafimaadka bulshada.
Ducaale ayaa intaas ku daray in dib u habaynta caafimaadka ee dalka, oo ay ka mid yihiin barnaamijka Taifa Care iyo Hay’adda Caymiska Caafimaadka Bulshada ee SHA, ay kordhiyeen helitaanka daaweynta, gaar ahaan cudurrada daba dheeraada sida sonkorowga, dhiig karka, iyo adeegyada caafimaadka maskaxda oo hadda gaaray malaayiin qof oo Kenyaan ah. Waxaa uu ugu dambayn ugu baaqay dowladaha Afrika iyo saaxiibbada horumarinta inay ka gudbaan ballanqaadyada oo ay diiradda saaraan hirgelin dhab ah si loo xakameeyo saameynta sii kordheysa ee cudurradan.




