Weerarro ay Israa’iil ka fulisay Qaza oo lagu dilay afar qof

0
57

Ugu yaraan afar qof ayaa lagu dilay weerarro ay Israa’iil ka fulisay Marinka Qaza subaxnimadii maanta, sida ay sheegeen saraakiisha caafimaadka ee halkaas.
Sida ay wararka tilmaamayaan, duqeyn cirka ah ayaa qof ku dishay agagaarka tuulada al-Mughraqa ee bartamaha Qaza, halka rasaas iyo duqeyn kale oo ka dhacday meel u dhow magaalada Qaza ay ku dhinteen laba qof oo kale.
Dhacdo kale, ciidamada Israa’iil ayaa ku toogtay haweeney 40 jir ah magaalada Khan Younis ee koonfurta Qaza, taasoo keentay dhimasho degdeg ah, sida ay xaqiijiyeen mas’uuliyiinta caafimaadka.
Wasaaradda Caafimaadka ee Falastiin ayaa sheegtay in tirada dadka ku dhintay Qaza tan iyo bilowgii duulaanka bishii Oktoobar 2023 ay gaartay ugu yaraan 72,587 qof, iyadoo weerarrada ay sii socdaan xitaa ka dib heshiis xabbad joojin ah oo la gaaray bishii October 2025.