Xoghayaha Guud ee Ururka Shaqaalaha dalka ee(COTU) Francis Atwoli ayaa ugu baaqay Madaxweyne William Ruto inuu mamnuuco isu soo baxyada siyaasadeed ee dalka oo dhan ilaa Guddiga Madaxa-bannaan ee Doorashooyinka iyo Xuduudaha (IEBC) uu si rasmi ah u furayo muddada ololaha.
Atwoli wuxuu ku doodayaa in abaabulka siyaasadeed ee aan horay loo arag uu sii hurinayo xiisadda isla markaana uu mashquulinayo mudnaanta maamulka.
Intaa waxaa dheer, Atwoli wuxuu leeyahay dhammaan dhaqdhaqaaqyada siyaasadeed waa in la hakiyo ilaa IEBC si rasmi ah ugu dhawaaqdo waqtika ololayaasha, iyadoo la raacayo xeerarka doorashada.
Baaqan ayaa imaanaya iyadoo ay sare u kacday xiisadda siyaasdeed ee Kenya taasi oo saameyn adag ku yeelatay Shacabka.
Maalmo ka hor ayay ahayd markii wasiirka Arrimaha Gudaha Kipchumba Murkomen uu ugu baaqay Garsoorka Kenya inay ciqaab adag ku soo rogaan tuhmanayaasha ku lug leh rabshadaha inta lagu jiro isu soo baxyada siyaasadeed, isagoo sidoo kale ku boorriyay dib u eegis lagu sameeyo sharciyada si looga hortago waxyaabaha saameynta ku ah dadweynaha.
Sida laga soo xigtay Murkomen Garsoorku wuxuu si istaraatiiji ah ugu jiraa inuu taageero hay’adaha amniga si wax looga qabto khatarta sii kordheysa, isagoo ku boorriyay maxkamadaha inay si go’aan leh u dhaqmaan oo ay cadaaladda u keenaan tuhmanayaasha ku lugta leh rabshadaha.




