DHEGEYSO:Shaqaalaha dowladda oo looga digay qaadashada laaluushka

0
106

Wasiirka wasaaradda adeegga dadweynaha , horumarinta karaanka aadanaha iyo barnaamijyada gaarka ah ee dalka Geoffrey Ruku ayaa sheegay in dowladdu aynan marnaba u dulqaadan doonin oo ay tallaabo adag ka qaadeysa saraakiisha dowladda ee shacabka ka dalbado bixinta laaluushka si ay ugu adeegaan.
Xilli uu ku sugnaa deegaanka Galbeedka Kibwezi ee ismaamulka Makueni , ayuu Ruku hoosta ka xarriiqay in warbixinnada guddiga anshaxa iyo la dagaallanka musuqmaasuqa ee EACC ay muujiyaan in musuqa uu ku badan yahay waaxda garsoorka iyo adeegga qaran ee booliiska dalka.