Mutahi Kagwe oo loo aqoonsaday wasiirka ugu waxqabadka fiican

0
110

Ra’yi uruurin ay sameysay KenyaTrack ayaa lagu sheegay in wasiirka ugu waxqabadka wanaagsan uu yahay wasiirka wasaaradda beeraha iyo xanaannada xoolaha ee dalka Mutahi Kagwe.
Waxaa uu helay boqolkiiba 86.5 ee qiimeynta dhanka waxqabadka ah.
Shirkadda ayaa sheegtay in ay wareysatay in ka badan 12,000 oo qof oo ku kala sugan 290-ka deegaan baarlamaneed ee dalka.
Ra’yi uruurintan ayaa la sameeyay intii u dhexeysay 15-kii bishii Saddexaad ilaa 10-kii bishan Afaraad ee sanadkan.
Mutahi Kagwe ayaa lagu ammaanay inuu wax soo saarka beeraha ka dhigay tiirka dhexe ee dhaqaalaha qaranka iyadoo lagu taageeraya maalgelin dheeraad ah, xeerarka suuqyada iyo hindisayaasha beerashada casriga ee la jaanqaadaya cimillada.
Waxaa lambarka labaad ee dhanka waxqabadka soo gashay wasiiradda dalxiiska ee dalka Rebecca Miano oo heshay boqolkiiba 84.7.
Lambarka saddexaad ee liiskan waxaa ku jira wasiirka adeegga dadweynaha ee dalka Geoffrey Ruku oo ay shirkadda KenyaTrack waxqabadkiisa ku sheegtay boqolkiiba 82.7.
Waxaa soo raaca wasiiradda dhulalka Alice Wahome, wasiiradda deegaanka Deborah Barasa, wasiirka maaliyadda John Mbadi, dhiggiisa shaqaalaha Dr.Alfred Mutua, madaxa wasiirrada dalka ahna wasiirka arrimaha dibadda iyo qurbajoobta Musalia Mudavadi iyo wasiirka isgaarsiinta William Kabogo.