Rabshado maanta ka dhacay deegaanka Kikuyu ee ismaamulka Kiambu

0
184

Booliska ayaa maanta suntan dadka ka ilmaysiisa ku kala eryay kooxo xiray waddada muhiimka ah ee Kikuyu ka hor isu soo bax siyaasadeed oo uu soo qabanqaabiyay Madaxweyne ku xigeenkii hore dalka Rigathi Gachagua.
Isku dhacan ayaa sababay argagax iyo carqalad weyn oo dhanka gaadiidka ah ka dib markii dhalinyaro ay jidgooyooyin dhigteen iyagoo adeegsanaya taayiro, isla markaana ay dhagaxyo ku tuureen gawaarida marayaysa wadadaas.
Xaaladda ayaa si caadi ah ku soo laabatay wallow ay saaka xirnaayeen inta badan xarrumaha ganacsiga ee deegaanka Kikuyu ee ismaamulka Kiambu.
Dhacdadan waxay imaanaysa iyadoo ay jirto xiisad siyaasadeed oo sii kordheysa oo u dhaxaysa Gachagua iyo Xildhibaanka deegaan Baarlamaaneedka Kikuyu Kimani Ichung’wah.