Guddoomiyaha ismaamulka Garissa Nathif Jamac Aden ayaa cambaareeyay dil habeen ka hor wiil dhalinyaro ah loogu gaystay ismamaulka Garissa.
Dilkan ayaa waxaa fuliyay sarkaal ka tirsanaa ciidamada dambi baarista ee dalka DCI-da.
Barasaabka Garissa ayaa ku baaqay in si deg deg ah loo soo xiro askarigaas loona maxkmadeeyo.
Waxaa uuna sheegay in uu dhacdadani kala hadlay agaasimaha ciidamada dambi baarista dalka DCI-da Amin Mohamed si cadaaladda loo horkeeno askarigaas dilka gaystay.
Dhankooda Shacabka Garissa oo cadaalad u raadinaya Aden Mohamed ayaa maalintii labaad ee maanta dhigay dibadbax ay kaga soo horjeedaan dilkiisa.
Ciidamada Booliiska ayaa maanta sunta dadka ka ilmaysiisa ku kala ceyriyay dibadbaxayaasha ,waxaa ayna sunta ciidamada saamaysay masjidka umul qayim xili ay muslimiinta tukanayeen salaadii duhur.




