Trump oo ku hanjabay tallaabo haddii Xukuumadda Tehran aysan u hoggaansamin heshiiska

0
155

Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa ku qoray baraha bulshada in “dhammaan marakiibta, diyaaradaha, iyo ciidamada Mareykanka” ay sii joogi doonaan hareeraha Iiraan ilaa “heshiiska dhabta ah” ee joojinta dagaalka laga fuliyo si buuxda, isaga oo digniin ka bixiyay in haddii kale ay jiri karto colaad dheeraad ah.
Dowladda Lebanon ayaa ku dhawaaqday maalin baroordiiq ah ka dib markii weeraro Israa’iil ah ay ku dhinteen ugu yaraan 254 qof oo rayid ah, isla markaana ku dhaawacmeen in ka badan 1,165 qof hal maalin gudaheed.
Xafiiska Raa’iisul Wasaaraha Lubnaan Nawaf Salam ayaa sheegay inuu ku howlan yahay sidii uu u adeegsan lahaa “dhammaan kheyraadka siyaasadeed iyo diblomaasiyadeed ee Lebanon si loo joojiyo duulaanka Israa’iil.” Wasiirka Caafimaadka Lebanon Rakan Nassereddine ayaa dalbaday caawimaad caalami ah iyadoo nidaamka caafimaad uu ku adkaaday inuu daweeyo dhaawacyada rayidka ee ka dhashay weerarka maalintaas.
Dhanka kale Wasiirka Arrimaha Dibadda Iiraan Cabbaas Araghchi ayaa sheegay in shuruudaha Mareykanka iyo Iiraan ee Lebanon ay “cad yihiin,” isagoo ku adkeeyay in Xukuumadda Washington ay doorato “joojinta dagaalka ama sii wadista dagaalka iyada oo loo marayo Israa’iil.