Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay, Antonio Guterres, ayaa cambaareeyay “weeraro baahsan oo Israa’iil ay ku qaaday Lubnaan Arbacadii, kuwaas oo sababay in boqolaal qof oo rayid ah ay ku dhinteen ama ku dhaawacmaan, oo ay ku jiraan carruur.”
Afhayeenka Xoghayaha Guud, Stephane Dujarric, ayaa sheegay in Guterres si xooggan uga xun yahay khasaaraha nafta ee rayidka ah isla markaana uu si weyn uga walaacsan yahay tirada sii kordheysa ee dhibaatada soo gaartay dadka aan dagaalka ku lug lahayn.
Guterres ayaa intaa ku daray in “howlgallada milatari ee ka socda Lubnaan” ay khatar weyn ku yihiin joojinta dagaalka ee u dhaxaysa Maraykanka iyo Iiraan, isaga oo mar kale ku baaqay in “dhammaan dhinacyada ay si degdeg ah u joojiyaan dagaalka.”
War saxaafadeedka ayuu sidoo kale ku cadeeyay in aysan jirin xal milatari oo lagu xallin karo khilaafka, isagoo ku booriyay wadahadal iyo nabadeyn degdeg ah.
Arrintan ayaa imaanaysa iyadoo Israa’iil ay dib u furtay Masjidka barakeysan ee Al Aqsa ka dib 40 maalmood oo si qasab ah lagu xiray.




