Israa’iil oo duqeysay magaalada Tyre ee Koonfurta Lubnaan

0
148

Ciidamada Israa’iil ayaa duqeyn ku qaaday magaalada Tyre ee koonfurta Lebanon, ka dib markii ay soo saareen amarro barakac ku qasbaya dadka deegaanka.
Waqti kooban ka hor, ciidamada Israa’iil ayaa sidoo kale soo saaray amarro barakac ku qasbaya dadka ku nool xaafadaha Haret Hreik, Ghobeiry Laylaki, Hadath, Burj al-Barajneh, Tawhidat al-Ghadir iyo Shiyah ee caasimadda Beirut.
Duqeymaha Israa’iil iyo fiditaanka weerarrada gudaha Lubnaan ayaa ilaa hadda ku qasbay in ugu yaraan 1.2 milyan oo qof ay ka barakacaan dalka oo dhan.
Horaantii maanta, duqeyn cirka ah oo Israa’iil ka geysatay magaalada xeebta ku taalla ee Sidon ayaa lagu dilay ugu yaraan siddeed qof. Tani ayaa dhacday ka hor inta aysan Pakistan ku dhawaaqin in xabbad joojin u dhexeysa Mareykanka iyo Iiraan ay dhaqan gashay, iyadoo Israa’iil ay sheegtay in xabbad joojintan aysan quseyn doonin Lubnaan.