DHEGEYSO:Hoggaamiyeyaasha xulafada la ah Ruto oo sii wada dhaleeceynta Uhuru Kenyatta

0
176

Qaar ka mid ah hoggaamiyeyaasha dowladda ayaa sii wada dhaleeceynta madaxweynihii hore ee dalka Uhuru Kenyatta, iyagoo ku eedeynaya inuu faafinayo siyaasado ku saleysan qabyaalad. Hadalladan ayaa ka soo baxay kulan ka dhacay deegaanka Dabaso ee ismaamulka Kilifi, xilli ay ka qeyb galayeen aaska hooyada xildhibaan Owen Baya.
Hoggaamiyeyaasha ayaa sheegeen in hadallada Kenyatta ay khatar ku yihiin midnimada shacabka, maadaama ay dhiirrigelinayaan kala qaybsanaan ku dhisan qabiil. Waxaa ay carrabka ku adkeeyeen in siyaasadda noocaas ah aysan meel ku lahayn dalka, isla markaana ay wiiqeyso wadajirka bulshada.
Guddoomiyaha dowlad deegaanka Kilifi Gideon Mung’aro iyo dhiggiisa Mombasa Cabdulsamad Sharif ayaa si wadajir ah u muujiyay in loo baahan yahay in laga fogaado hadallada hurinaya qabyaaladda, isla markaana la xoojiyo midnimada qaranka.
Waxaa ay ugu baaqeen dhammaan hoggaamiyeyaasha inay xoogga saaraan hirgelinta mashaariic horumarineed oo wax ka taraya nolosha shacabka, halkii ay ka adeegsan lahaayeen siyaasad ku dhisan kala qaybsanaan.