Raa’iisul Wasaaraha Japan oo sheegtay in ay wada hadal la yeelan doonto Madaxweynaha Iiraan

0
155

Raa’iisul Wasaaraha Japan, Sanae Takaichi, ayaa sheegtay in la diyaarinayo wada hadal khadka telefoonka ah oo dhex mara iyada iyo Madaxweynaha Iiraan, Masoud Pezeshkian, si loo xoojiyo xiriirka diblomaasiyadeed ee labada dal.
Takaichi ayaa u sheegtay baarlamaanka in dowladda Japan ay sidoo kale wado dadaallo ay kula xiriirayso Mareykanka iyo Iiraan labadaba, iyadoo doonaysa in ay la hadasho madaxda labada dal si loo dejiyo xiisadda jirta.
Hadalkeeda ayaa yimid ka dib markii la sii daayay muwaadin labaad oo u dhashay Japan oo tan iyo bishii Janaayo lagu hayay dalka Iiraan, taas oo muujinaysa isbeddel ku yimid xaaladda labada dal.
Dhanka kale, Wasiirka Arrimaha Dibadda Japan, Toshimitsu Motegi, ayaa khadka telefoonka kula hadlay dhiggiisa Iiraan, Abbas Araghchi, isagoo ku celceliyay in Japan ay muhiimad weyn siineyso in si degdeg ah loo dejiyo xiisadda taagan.
Tani ayaa ku soo beegmeysaa iyadoo Raa’iisul Wasaaraha New Zealand, Christopher Luxon, uu ku tilmaamay hanjabaadihii dhawaan ka soo yeeray Madaxweynaha Mareykanka ee la xiriiray weerar lagu qaadi doono kaabeyaasha rayidka ee Iiraan kuwo aan wax tar lahayn.
Luxon ayaa sheegay in tallaabooyin militari oo dheeraad ah aan loo baahnayn, isagoo xusay in muhiimadda koowaad ay tahay in laga hortago in colaadda ay sii fido.
Waxaa uu intaas ku daray in hanjabaadaha la xiriira duqeynta buundooyinka, kaydadka biyaha iyo kaabeyaasha kale ee rayidka ay yihiin kuwo aan la aqbali karin, isla markaana halis gelinaya xasilloonida guud.