Nin ku nool magaalada Mombasa ayaa la kulmay dhacdo lama filaan ah ka dib markii uu tegay si uu markii ugu horreysay isku diiwaangeliyo, balse uu ogaaday in xogtiisa ay horey ugu jirtay diiwaanka codbixiyeyaasha ee Guddiga Madaxa bannaan ee Doorashooyinka iyo Xuduudaha dalka ee IEBC.
Ninkan ayaa sheegay inuu si weyn uga naxay arrintaasi, maadaama uusan waligiis hore isu diiwaangelin codbixiye ahaan, isla markaana uusan ogeyn sida xogtiisa loogu daray diiwaanka. Waxaa uu tilmaamay in tani ay dhalinayso su’aalo la xiriira hufnaanta iyo saxnaanta xogta ku jirta nidaamka diiwaangelinta codbixiyeyaasha.
Dhacdadan ayaa imanaysa xilli ay jiraan walaacyo ku saabsan daahfurnaanta habraacyada doorashooyinka ee dalka, iyadoo la filayo in hay’adaha ay khuseyso ay baaritaan ku sameeyaan sida ay suurtagal u noqotay in xog qof aan isdiiwaangelin ay uga dhex muuqato diiwaanka rasmiga ah.
Fahiima Cabdalla oo ah ku xigeenka guddoomiyaha guddiga IEBC ayaa sheegtay in arrintan haatan baaritaan lagu wado oo xogta muwaadinka la sixi doono.
Home Wararka Kenya DHEGEYSO:Nin Mombasa ku nool oo markii ugu horreysay isdiiwaangelinaya oo ka yaabay...




