DHEGEYSO:DCI oo sheegtay in Gachagua laga qaadaya tallaabo sharci ah

0
159

Waaxda dambi baarista dalka ee DCI ayaa ku hanjabtay in tallaabada ku habboon laga qaadi doono hoggaamiyaha xisbiga DCP Rigathi Gachagua ka dib hadal uu maanta jeediyay.
Gachagua ayaa xilli uu ku sugnaa kaniisadda AIPCA Gakoe Church ee deegaanka Waqooyiga Gatundu ee ismaamulka Kiambu ku andacooday in waaxda DCI iyo madaxweyne William Ruto ay qayb ka yihiin fadeexadda la sheegay in dalka lagu soo geliyay shidaal tayo ahaan liita.
Gachagua ayaa ku andacooday in fadeexaddan oo ah ilaa 4 bilyan oo shilin ay tahay heshiis la isku maandhaafay.
Waxaa uu ku dooday in 500 oo milyan oo shilin dib looga soo helay guriyaha saraakiisha sare ee wasaaradda tamarta ee la xiray.

Hasa ahaate waaxda dambi baarista dalka oo bayaan soo saartay ayaa sheegashooyinka Gachagua ku tilmaantay kuwo been abuur ah oo niyad xumo ku saleysan.
DCI ayaa intaasi ku dartay in ay billowday baaritaano ku aaddan hadal uu Gachagua jeediyay isagoo adeegsanaya afkiisa hooyo si loo qiimeeyo in ay noqonayaan dembiyada uu la tacaalo guddiga qaran ee isdhexgalka iyo mideynta shacabka ee NCIC.
Waaxda ayaa xustay in aynan ka gaabin doonin qaadidda tallaabada sharciga ee habboon haddii xeerka la jebiyo iyadoo aan la eegayn maqaamka qofka.