Wasiirka Tamarta ee dalka oo shacabka ugu baaqay in ay ka war sugaan baaritaannada socdo

0
105

Wasiirka wasaaradda Tamarta ee dalka Opiyo Wandayi oo bayaan soo saaray ayaa dadweynaha ka codsaday in ay dulqaad muujiyaan inta laga dhameystiraya baaritaannada ku aaddan fadeexad shidaal oo soo ifbaxday.
Waxaa uu ka digay marin habaabin siyaasadeed oo arrinkan ku aaddan.
Wandayi ayaa sheegay in dowladdu ay ka go’an tahay xaqiijinta sidii hay’adaha dambi baarista ay si madax bannaan ugu dhameyn lahaayeen shaqadooda iyagoo aan la faragelin.
Waxaa uu tilmaamay in aan loo baahnayn siyaasadeynta baaritaannada socdo isagoo madaxda iyo shacabka uga digay in ay faafiyaan sheegashooyin aan la hubin oo wax u dhimi karo kalsoonida ay rayidka ku qabaan hannaanka qaybinta shidaalka ee dalka.
Wasiirka ayaa qoraalka ku xusay in ay ka war heleen olole aan xaqiiqada ku saleysnayn oo ay wadaan qaar ka mid ah hoggaamiyaasha siyaasadeed kaasoo la xiriira xaaladda nasiib darrada ah.
Bayaanka waxaa ku cad in Wasaaradda Tamarta aynan u dulqaadan doonin khiyaanooleyaasha , kuwa ka macaasha iyo dadka qaata baadka ee doonaya in ay ka faa’iidaystaan hubanti la’aanta Bariga Dhexe.
Dhanka kale , Wasaaradda Tamarta iyo Batroolka ee Kenya ayaa guda gashay dib u habeyn ballaaran oo lagu sameynaya hannaanka maareynta batroolka iyo geeddisocodyada.
Arrintan ayaa looga gol-leeyahay sare u qaadidda daahfurnaanta, ilaalinta tayada shidaalka iyo xoojinta kormeerka qaybinta shidaalka ee dalka.
Wasiirka Tamarta ee dalka Opiyo Wandayi ayaa laga soo xigtay in tani ay qayb ka tahay dadaallada adkeynta isla xisaabtanka iyo xaqiijinta hufnaanta dhanka soo dejinta , keydinta iyo nidaamyada qaybinta batroolka ee guud ahaan waddanka.
Waxay arrintan ku soo beegmaysa iyadoo tan iyo Jimcihii, Wasiirka Wasaaradda Tamarta iyo Batroolka ee dalka Opiyo Wandayi lagu cadaadinayay inuu is casilo.