Cadaadiska lagu dalbanaayo xarigga iyo is casilaadda Wasiir Wandayi oo sii kordaayo iyadoo fadeexadda shidaalka ay sii xoogaysanayso

0
138

Cadaadis siyaasadeed ayaa sii kordhaya oo ku wajahan madaxweynaha dalka William Ruto, si uu xilka uga qaado Wasiirka Tamarta iyo Shidaalka Opiyo Wandayi haddii uusan iskiis isku casilin, ka dib fadeexad shidaal oo soo ifbaxday Khamiistii. War ka soo baxay Xafiiska Madaxweynaha, oo uu saxiixay Madaxa Shaqaalaha Dowladda Felix Koskei, ayaa muujinaya tuhun culus oo loo jeedinayo mas’uuliyiin sare.
Mas’uuliyiintaas ayaa waxaa ka mid ah Agaasimaha Guud ee Hay’adda Nidaaminta Tamarta iyo Shidaalka EPRA Daniel Kiptoo, Agaasimaha Shirkadda Dhuumaha KPC Joe Sang, Xoghayaha Joogtada ee Shidaalka Maxamed Liibaan iyo ku xigeenkiisa Joseph Wafula, kuwaas oo lagu eedeeyey inay wax ka beddeleen xogta kaydka shidaalka dalka. Madaxweynaha ayaa sheegay in arrintan ay sababtay in si sharci darro ah loo soo iibsado shidaal degdeg ah oo ku kacay ku dhowaad afar bilyan oo shillinka dalka ah, taas oo jebisay heshiiska dowladaha ee lala galay dalalka Khaliijka, isla markaana lagu helay qiimo sare iyo tayo liidata.
Afarta mas’uul ayaa la xiray, inkastoo Maxamed Liibaan lagu sii daayey xaalad caafimaad awgeed, halka saddexda kale ay weli ku jiraan gacanta booliiska, qaarna ay iska casileen xilalkoodii. Senatarka ismaamulka Kakameega Boni Khalwale ayaa dalbaday in tallaabo degdeg ah laga qaado Wasiir Opiyo Wandayi, isagoo ku eedeeyey xil gudasho la’aan culus. Waxaa uu sheegay in haddii wasiirka uu ogaa falalkan ay tahay in la xiro, haddii kalena uu qaado mas’uuliyadda siyaasadeed oo uu is casilo ama xilka laga qaado.
Dhanka kale, xildhibaanka deegaanka Kiharu Ndindi Nyoro ayaa sheegay in xarigga mas’uuliyiintan uu la xiriiri karo dano qarsoon oo ka dhex jira ganacsiga shidaalka, halkii uu ka ahaan lahaa isla xisaabtan dhab ah. Waxaa uu tilmaamay in nidaamka soo dejinta shidaalka ee dowladaha uu muddo dheer u adeegayey dano gaar ah. Ilaa hadda, Wasiir Opiyo Wandayi kama uusan hadlin eedeymaha, iyadoo baaritaannada ay socdaan isla markaana cadaadiska uu sii xoogaysanayo.