DHEGEYSO:Senatarrada oo u qabtay barasaabyada 30 casho inay ku horyimaadaan, haddii kale ay wajihi doonaan EACC iyo DCI

0
124

Hoggaamiyaha aqlabiyadda Aqalka Sare, Aaron Cheruiyot, ayaa u qabtay muddo 30 maalmood ah dhammaan barasaabyada inay hor yimaadaan guddiyada Aqalka Sare, haddii kale ay wajihi doonaan baaritaano ay ku sameeyaan hay’adaha dawladda.
Isaga oo ka hadlayay Kipkelion East, Cheruiyot ayaa uga digay Badhasaabyada iska indho-tira u yeedhitaanka aqalka si ay xisaab-celin uga sameeyaan lacagaha dadweynaha inay xilka iska casilaan.
Wuxuu sheegay in Barasaabyada madax-adayga muujiya loo gudbin doono Guddiga Anshaxa iyo La-dagaalanka Musuqmaasuqa EACC iyo Waaxda dambiyada baarista DCI, taas oo calaamad u ah hawlgal isku dubaridan oo dhinaca fulinta sharciga ah.
Cheruiyot ayaa carrabka ku adkeeyay in xafiiska dadweynaha uu u baahan yahay hufnaan, madaxduna ay tahay inay xisaab ka bixiyaan senti kasta ama ay baneeyaan boosaskooda.

Iska hor imaadkii ka dhacay bannaanka baarlamaanka maalintii Arbacada ayaa muujiyay hoos u dhac ku yimid xiriirka u dhexeeya Senatarrada iyo Barasaabyada, iyada oo ay khatar gashay kormeerka iyo isla xisaabtanka.
Tani waxay ka dambaysay dhacdo ka dhacday Aqalka Senetka halkaas oo Barasaabka Samburu, Lati Lelelit, ay si xun ula dhaqmeen Senator-ka Nairobi Edwin Sifuna, dhiggiisa Migori Eddy Oketch, Senator-ka Kiambu Karungo wa Thang’wa, iyo mudanayaal kale, iyadoo lagu eedeeyay inuu diiday inuu u hoggaansamo u yeerista aqalka.
Shacabka Samburu ayaa Khamiistii isugu soo baxay waddooyinka iyaga oo muujiyay caro ku saabsan qaabkii loola dhaqmay barasaabkooda xilli uu ka baxayay dhismaha Baarlamaanka.
Barasaabyada ayaa ku adkaystay in aanay u hoggaansami doonin u yeerista Aqalka Senetka si ay u horyimaadaan guddiyada kormeerka ilaa laga xalinayo liiska tabashadooda.
Waxay u sheegeen Guddoomiyaha Aqalka Senetka, Amason Kingi, wax ay ugu yeereen “shabakad lacag-baad ah” oo ka dhex jirta Guddiga xisaabaadka dadweynaha ee Maamul goboleedyada, iyaga oo sheegay in cadaadiska Barasaabyada lagu saarayo inay ka soo muuqdaan ay ka dambayso dalbasho laaluush, eedayntaas oo ay Senatarradu iska fogeeyeen.