Mas’uuliyiin sarsare oo is-casilay ka dib Markii loo Xiray Fadeexad Shidaal

0
133

Saddex mas’uul oo sarsare oo ka tirsan dowladda, kuwaas oo lala xiriiriyay eedeymo ku saabsan soo dejinta shidaal ka hooseeya tayada loogu talagalay, ayaa gudbiyay is-casilaadooda ka dib baaqii Madaxweyne William Ruto ee ahaa in tallaabo laga qaado.
Xoghayaha Shidaalka Mohamed Liban, Aggaasimaha Guud ee Maamulka nidaaminta tamarta iyo shidaalka EPRA Daniel Kiptoo Bargoria, iyo Aggaasimaha Guud ee Shirkadda Kenya Pipeline Joe Sang, ayaa is-casilay maanta xilli ay baaritaannadu socdaan.
Madaxa Shaqaalaha ee Madaxtooyada, Felix Koskei, ayaa bayaan uu soo saaray Sabtidii manata ku sheegay in is-casilaadahan ay yimaadeen ka dib markii mas’uuliyiintan la xiray maalintii Khamiista, eedeymo la xiriira si xun u matalaad oo ka dhex jirtay silsiladda saadka shidaalka ee dalka.
Wasaaradda Shidaalka iyo maamulka KPC ayaa sidoo kale bilaabay tallaabooyin maamul oo ka dhan ah kuxigeenka aggaasimaha shidaalka, Joseph Wafula, iyo maareeyaha saadka, Joel Mburu.
Sida uu sheegay Koskei, is-daba-marintan ayaa ka dhalatay eedeymo ku saabsan in mas’uuliyiin sarsare ay wax ka beddeleen xogta kaydka shidaalka, iyagoo abuuray sawir khaldan oo muujinaya in saadka dalku uu gabaabsi yahay.
Mas’uuliyiinta ayaa sheegay in arrintani ay horseedday soo iibinta shixnad shidaal oo degdeg ah oo aan loo marin nidaamka saxda ah, taas oo ay fulisay Wasaaradda Tamarta iyo Shidaalka.
Dowladda ayaa ka digtay in falalkani ay u dhigmi karaan dambiyo dhaqaale, sidaas darteedna dadka ku lugta leh ay wajahi doonaan sharciga oo adag.
Baaritaankan ayaa imaanaya iyadoo dowladda ay horay u sheegtay in heshiiskii Shidaalka ee G2G ee la hirgeliyay 2023 uu xal u helay helitaanka iyo qiimaha shidaalka dalka.
Koskei ayaa intaas ku daray in Kenya ay si joogto ah u hesho saadka shidaalka ee shirkadaha qandaraaska kula jira, sida Aramco Trading Fujairah, ADNOC Global Trading Ltd, iyo Emirates National Oil Company Singapore Pte Limited.
Dhanka kale, KPC ayaa u magacawday maareeyaha guud ee maaliyadda, Pius Mwendwa, inuu noqdo aggaasimaha guud ee kumeel-gaarka ah si loo xaqiijiyo sii socoshada shaqada.
Xafiiska Madaxweynaha ayaa sheegay in baaritaannadu ay weli socdaan, iyadoo dhammaan hay’adaha ay khuseyso lagu amray inay xaqiijiyaan isla-xisaabtan buuxa.
Dowladda ayaa raacisay in tallaabooyin kale oo maamul la qaadi doono inta baaritaanku socdo, oo ay ka mid tahay in dib loo celiyo shixnad kasta oo shidaal ah oo si sharci-darro ah lagu keenay iyo in nidaamka wax iibsiga lala waafajiyo qaab-dhismeedka G2G.