DHEGEYSO:Ugu yaraan 11 qof oo ku dhintay shil gaari oo ka dhacay wadada isku xirta Nairobi iyo Nakuru

0
140

Ugu yaraan 11 qof ayaa ku dhintay shil gaari oo ka dhacay degmada Gilgil oo ku teedsan Wadada Weyn ee isku xirta Nairobi-Nakuru habeenimadii xalay.
Isagoo xaqiijinaya dhacdada Sabtida maanta ah Taliyaha Booliska ee Degmada Gilgil Winston Mwakio ayaa sheegay in dhibanayaashu ay ku dhinteen isla goobta ka dib markii gaari ay saarnaayeen uu ku dhacay gaari xamuul ah.
Wadihii gaariga xamuulka ah ayaa ka warbixiyay ciladda ku timid baabuurkiisa iyo sida ay wax u dhaceen.