Xildhibaan Njeri Maina oo ku eedaysay dowladda qorshe lagu xakameynayo diiwaangelinta codbixiyayaasha ee bartamaha dalka

0
183

Wakiilka Haweenka dowlad deegaanka Kirinyaga, Njeri Maina, ayaa ku eedaysay dowladda Madaxweyne William Ruto inay wado qorshe ula jeedo xakameynta diiwaangelinta codbixiyayaasha ee gobolka bartamaha dalka.
Iyada oo ka hadashay aaska Senatarkii hore ee Kirinyaga Daniel Karaba, Njeri Maina ayaa sheegtay in dowladda si ula kac ah uga dib dhacday bixinta kaararka aqoonsiga qaran, iyadoo qaar ka mid ah gobollada la siinayo mudnaanta, halka gobolka bartamaha dalka la dayacay. Waxaa ay tilmaamtay in cunsuriyadda noocan ah ay saameyn weyn ku yeelan karto diiwaangelinta codbixiyayaasha, maadaama kaarka aqoonsiga uu yahay shuruud lama huraan u ah codbixinta.
Xildhibaannada ayaa ku eedaysay in dib u dhacyada aanay ahayn khaladaad maamul oo keliya, balse ay ka mid yihiin qorshe siyaasadeed oo looga gol leeyahay in la yareeyo tirada codbixiyayaasha gobolka ka hor doorashooyinka guud ee 2027. Waxaa ay sidoo kale ku boorisay dadka deegaanka Kirinyaga inay u istaagaan xuquuqdooda, iyadoo sheegtay in haddii dowladda ay sii xayirto kaararka muhiimka ah, ay iyadu si toos ah u tageyso xafiisyada diiwaangelinta ee Nairobi.
Dhinaca kale, Guddiga Doorashooyinka Kenya (IEBC) ayaa caddeeyay in wararka sheegaya in gobollada qaar, gaar ahaan Galbeedka iyo Nyanza, laga hor istaagayo diiwaangelinta codbixiyayaasha ay yihiin kuwo been abuur ah. IEBC ayaa bulshada ugu baaqday in ay ka feejignaadaan wararka noocaas ah oo ay ku tiirsanaadaan kaliya xogta rasmiga ah ee ka timaada bogagga iyo baraha bulshada ee la xaqiijiyay.