Trump oo markale ku hanjabay inuu bartilmaamedsan doono kaabayaasha tamarta ee Iiraan

0
109

Iiraan ayaa mar kale gantaallo ku ridday Israa’iil, ka dib markii Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump uu sheegay in Xukuumadda Washington ay burburisay ciidanka militariga Iiraan islamarkaana ay ku dhowdahay in ay gaarto ujeedooyinkeeda dagaalka.
Hadalka Trump ayaa yimid saacado ka dib markii uu sheegay in Iiraan ay codsatay xabad joojin, taasoo ay Xukuumadda Tehran beenisay. Madaxweynaha Iiraan, Masoud Pezeshkian, ayaa shacabka Mareykanka u sheegay in dalkiisa aanu cadow ku ahayn dadka Mareykanka, Yurub ama deriskiisa.
Ciidamada Mareykanka iyo Israa’iil ayaa weli wadaa weerarrada ka dhanka ah Iiraan, iyagoo sacadihii la soo dhaafay dilay sagaal qof oo ku sugnaa magaalooyinka Larestan iyo Mianeh, isla markaana waxyeelo gaarsiiyay garoomada diyaaradaha iyo dekedaha.
Dhanka kale kooxaxa dab damiska Kuwait ayaa damiyay dab ka kacay taangiyada shidaalka ee garoonka diyaaradaha ugu weyn ee dalka, ka dib weerar la sheegay inuu ka yimid Iiraan, iyadoo sidoo kale Baxrayn, Sacuudiga, iyo Imaaraatka ay sheegeen inay gantaallo iyo diyaarado aan duuliyaha lahayn ka hortageen.