Darawalada oo lagu booriyay inay isticmaalaan waddooyin kale ka dib fatahaado saameyay waddada Eldama Ravine, Maji Mazuri iyo Molo

0
375

Maamulka Waddooyinka Qaran ee KenHA ayaa soo saaray digniin waddo oo ku saabsan fatahaado ka jira webiga Molo ee ku teedsan waddada xiriirisa Eldama Ravine, Maji Mazuri iyo Molo, iyadoo qaybtaas la sheegay inay khatar tahay in la maro.
Fatahaadda ayaa ka dhalatay roobab culus oo ka da’ay aagagga sare ee webiga, taasoo keentay koror weyn oo biyaha ah.
KenHA ayaa darawalada ku boorisay inay taxaddar muujiyaan isla markaana raacaan tilmaamaha booliiska iyo shaqaalaha hagidda taraafikada ee goobta.
Sidoo kale, hay’adda ayaa soo jeedisay waddooyin kale oo la isticmaali karo haddii safarka uu lama huraan yahay, oo ay ka mid yihiin: Eldama Ravine–Mogotio–Salgaa–Nakuru, Eldama Ravine–Kabarinet–Marigat–Mogotio, iyo Nakuru–Salgaa–Ravine. KenHA ayaa xaalada si dhow u la socota waxaa ayna qaadi doontaa tallaabo haddii biyaha ay sii kordhaan.