DHEGEYSO:Madaxweyne Ruto oo u jawaabay hoggaamiyeyaasha diinta ugana digay in masaajidda iyo kaniisadaha loo adeegsado goob siyaasadeed

0
101

Madaxweyne William Ruto ayaa si kulul ugu jawaabay hoggaamiyeyaasha diinta ee dhaliilay hadalladiisa iyo dhaqankiisa, isaga oo uga digay in goobaha cibaadada loo adeegsado dagaal siyaasadeed. Waxaa uu sheegay in siyaasiyiinta qaarkood ay kaniisadaha u isticmaalaan faafinta aflagaado, nacayb iyo kala qaybin bulsho.
Isagoo ka hadlayay deegaanka Yala ee ismaamulka Siaya, ayuu madaxweynaha ku eedeeyay mucaaradka in ay adeegsadaan goobaha diinta si ay u weeraraan hoggaanka, taasoo sii hurisay muran siyaasadeed oo maalmihii u dambeeyay sii xoogeysanayay. Hoggaamiyeyaasha diinta ayaa hore u cambaareeyay hoos u dhaca anshaxa iyo is ixtiraamka ee siyaasadda dalka.
Dhinaca kale, madax ka tirsan baarlamaanka iyo aqalka sare ayaa ku eedeeyay qaar ka mid ah hoggaamiyeyaasha diinta in ay u oggolaadeen in kaniisadaha lagu faafiyo hadallo kicin iyo aflagaado ah. Waxaa ay sidoo kale sheegeen in dhaliilaha hoggaamiyeyaashaas aysan ahayn kuwo dheellitiran, isla markaana ay indhaha ka qarsadeen weerarrada hore ee lagu hayay madaxweynaha.
Hoggaamiyaha qaranka ayaa sidoo kale ku dhaliilay mucaaradka in aysan lahayn qorshe cad, ayna ku mashquuleen weerarro shakhsi ah.