Diyaarad rakaab ah oo xalay shil ku gashay garoonka Wilson

0
281

Diyaarad rakaab ah oo ka timid Garoonka Diyaaradaha Caalamiga ah ee Kisumu ayaa ka baxday dhabaha ama wadada diyaaradaha ee garoonka Wilson fiidnimadii Jimcaha.
Dhacdadu waxay keentay carqalad ku meel gaar ah, laakiin dhammaan 39-ka rakaab iyo shaqaalihii ayaa ka badbaaday shilka iyagoo aan waxba gaarin.
Hay’adda Garoomada Diyaaradaha ee Kenya (KAA) ayaa dhacdadani xaqiijisay.
Lama oga sababta keentay shilkaas diyaaradeed.