14 qof oo ku dhintay, 30 kalena way ku dhaawacmeen shil ka dhacay isgoyska Malaha ee waddada Kitale iyo Webuye

0
452

Ugu yaraan 14 qof ayaa ku dhintay, 30 kalena way ku dhaawacmeen shil baabuur oo naxdin leh oo ka dhacay isgoyska Malaha ee waddada isku xirta Kitale iyo Webuye ee dowlad deegaanka Bungoma. Shilka ayaa dhacay ka dib markii darawalka baabuur xamuul ah uu xakameyn waayay, kuna dhacay gaadiid kale iyo dad lugeynayay.
Sida ay sheegeen booliiska iyo markhaatiyaasha, shilka ayaa dhacay abaare 2-dii subaxnimo ee saaka.
Taliyaha booliiska ee maamul hoosaadka Bariga Webuye, Rosemary Odeke, ayaa xaqiijisay shilka, iyadoo sheegtay in baaritaano lagu sameynayo si loo ogaado duruufaha shilka iyo tirada rasmiga ah ee dhimashada iyo dhaawaca. Dhaawacyada ayaa loo qaaday isbitaalka deegaanka Webuye, halka maydka dadka dhintay lagu wareejiyay qolka meydadka ee isla isbitaalkaas iyagoo sugaya aqoonsi iyo baaritaanno caafimaad.