Hal qof ayaa ku dhintay laba kalena way ku dhaawacmeen weerarku ka dhacay aagga Yehud ee bartamaha Israa’iil, sida laga soo xigtay adeegga ambalaaska ee Magen David Adom ee Israa’iil.
Dhanka kale Afhayeenka Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Iiraan Baghaei wuxuu ku eedeeyay Mareykanka inuu doonayo inuu la wareego kheyraadka saliidda Iiraan.
Waxaa uu intaas ku daray in Mareykanka uu dagaalka Iran uga goleeyahay si uu u kala qeybiyo dalkaasi una qaato kheyraadka hodonka ah.




