Ka dib markii xaaladaha cudurka COVID19 ay ku kordheen ismaamulka Kisii ayaa howlwadeenada dowlad deegaankaasi lagu amray in ay gutaan waajibaadkooda shaqo iyaga oo guryaha ku sugan.
Muddo hal toddobaad ah ayuu amarkan shaqeyn doonaa wuxuuna saameynayaa sarkaal kasta oo aan bulshada u hayn adeeg aad muhiim u ah.
Xoghayaha dowladda hoose ee Kisii ahna madaxa waaxda adeegga dadweynaha Patrick Lumumba ayaa sheegay in saraakiil dhowr ah oo ay ka mid yihiin wasiirro uu haleelay caabuqa corona.
Waaxda maaliyadda keliya waxaa laga soo tabiyay 10 xaaladood.
Xoghayaha ayaa intaa ku daray in kiisaska ay sare u sii kacayaan sidaas awgeedna ay lagama maarmaan noqotay in tallaabooyin xakamayn ah la qaado.
Dhanka kale golaha hoose ee ismaamulka Kisumu ayaa muddo labo toddobaad ah hakiyay kal-fadhiyadiisa COVID-19 awgii.
Guddoomiyaha golahaas Elisha Oraro ayaa mas’uuliyiinta ismaamulka ugu baaqay in ay shacabka ku wacyigeliyaan khatarta cudurka.