Xildhibaan Johana Ng’eno oo ka mid ahaa 6 qof oo ku dhintay shil ay ku burburtay diyaarad qumaatiga u kacda

0
228

Xildhibaan Johana Ng’eno oo laga soo doortay deegaanka Emurua Dikirr ayaa ka mid ahaa lix qof oo ku dhintay shil ay ku burburtay diyaarad qumaatiga u kacda ah, taas oo ku dhacday kuna gubatay geesta kaynta Chepkieb ee deegaanka Mosop ee ismaamulka Nandi.
Diyaaradda ayaa dhacday qiyaastii 4:45 ee galabnimo, wax yar ka dib markii ay isku dayday inay ka duusho meel u dhow kaynta. Goobjoogayaal ayaa sheegeen in aragtida hawada ay liidatay roobab aaga ka da’ayay awgeed.
Sida ay sheegeen dadka deegaanka, diyaaradda ayaa hore u samaysay degitaan degdeg ah qiyaastii 4:00 galabnimo, markii cimilada ay xumaadeen. Duuliyaha ayaa la sheegay inay la hadashay xoolo dhaqato ku sugnaa goobta iyadoo qiimeynaysay xaaladda.
Lixdii qof ee saarnaa, oo uu ku jiray duuliyaha ayaa goobta ku geeriyoodeen. Diyaaradda ayaa waday shan rakaab ah oo ka soo ambabaxay deegaanka Endebess ka hor inta uusan shilka dhicin.
Taliyaha booliiska dowlad deegaanka Nandi, Samuel Mukuusi, ayaa xaqiijiyay shilka, balse sheegay in weli aan lawada aqoonsan magacyada dadka dhintay, isla markaana baaritaanno socdaan.
Wararka hordhaca ah ayaa tilmaamaya in goobta laga helay dukumeenti la xiriira sarkaal ka tirsan Hay’adda Ilaalinta Kaymaha ee KWS, hase yeeshee lama xaqiijin in sarkaalkaasi uu ka mid ahaa dadkii saarnaa diyaaradda.
Dambi baarayaal ka tirsan Waaxda Dembi baarista ee DCI-da ayaa gaaray goobta shilka, iyagoo bilaabay baaritaanno ku saabsan sababta keentay burburka.