Hay’adda Duulista Rayidka ayaa billowday baaritaan ku saabsan shilkii diyaaradda ee sababay dhimashada lix qof. Diyaaradda oo nooceedu ahaa AS350 kuna diiwaangashan lambarka 5Y-DSB ayaa ku sii jeeday Mosoriot, kana soo kacday Endebes, markii ay ku burburtay Kabiet ee buuraha Nandi qiyaastii 4:45 ee galabnimo Sabtida.
Maareeyaha guud ee Hay’adda Duulista Rayidka ee KCAA, Emile Arao, ayaa sheegay in shilka uu sababay dhimasho, balse faahfaahinta khasaaraha iyo magacyada dadka dhintay ay shaacin doonaan hay’adaha ku shaqada leh marka ehelada la ogeysiiyo. Hay’adda ayaa sheegtay inay taageerayso baaritaanka ay wado Waaxda Baarista Shilalka Diyaaradaha oo u xilsaaran ogaanshaha sababaha shilalka cirka ee dalka ka dhaca.
Afhayeenka Barlamaanka, Moses Wetang’ula, ayaa si rasmi ah baarlamaanka ugu wargeliyay geerida xildhibaanka laga soo doortay deegaanka Emurua Dikirr, Johana Kipyegon Ng’eno, oo ka mid ahaa dadkii ku dhintay shilka.
Home Wararka Kenya Hay’adda Duulista Rayidka oo billowday baaritaan ku saabsan shilkii diyaarad ee ka...




