Eedeymo laaluush oo gilgilay KMPDC iyadoo KMPDU ay ku baaqday baaritaan madax bannaan iyo hubin rasmi ah

0
389

Ururka ay ku midhaysan yihiin dhakhaatiirta dalka ee KMPDU ayaa warqad u diray Wasiirka Caafimaadka, iyagoo dalbaday in la kala diro guddiga Golaha Dhaqaatiirta ee KMPDC, ka dib eedeymo la xiriira laaluush iyo anshax xumo culus.
Warqadda oo ku taariikhaysan 17-kii bishan Febraayo ayuu ururka ku sheegay inuu ka walaacsan yahay duubis cod ah oo lagu eedeynayo in xubin ka tirsan golaha ay ku bixinayso laaluush dhan hal milyan oo shillin si loo siiyo dhakhtar ku lug leh muran sharci oo caafimaad.
Ururka ayaa sheegay in uu ogaaday in duubistaas ay ku dhowdahay laba sano, isla markaana haddii eedeymahaas ay run noqdaan ay dhaawici doonaan sumcadda iyo kalsoonida golaha, oo ah hay’adda u xilsaaran bixinta rukhsadaha shaqada, anshax marinta, aqoonsiga xaruumaha tababarka iyo ilaalinta heerarka adeegga caafimaad.
KMPDU ayaa tilmaamtay in xitaa tuhunka ah in xubno ka tirsan hay’addan ay awooddooda u adeegsanayaan dano gaar ah uu wiiqayo nidaamka kormeerka iyo kalsoonida dadweynaha.
Waxaa ay sidoo kale sheegeen in eedeymahaas ay su’aal gelinayaan caddaaladda habraacyada anshax marinta, gaar ahaan marka ay jiraan dhaqaatiir muujiyay inay diyaar u yihiin inay qaataan mas’uuliyadda khaladaadkooda, balse lagu handado ganaaxyo aad u sarreeya.
Ururka ayaa ku baaqay in guddiga hadda jira lagu kala diro muddo 14 maalmood gudahood, isla markaana la sameeyo baaritaan madax bannaan oo hufan oo lagu sameeyo cid kasta oo lagu tuhunsan yahay falalkaas.
Waxaa ay sidoo kale soo jeediyeen in la dhiso hannaan ku meel gaar ah oo maamul si howlaha kormeerka ay u sii socdaan inta baaritaannada la soo gabagabeeynaayo, iyo in la sameeyo hubin iyo dib u habeyn ballaaran si loo soo celiyo daacadnimada golaha.
Ururka ayaa intaa ku daray inay joojin doonaan gudbinta lacagaha rukhsadaha ilaa golaha dib loo habeeyo, iyagoo sheegay in aan laga filan karin dhaqaatiirta inay lacag ku shubaan nidaam ay ku tilmaameen mid kalsoonidiisa dhaawacantay.
KMPDU ayaa caddeeysay in dalabaadkooda ay ku saleysan yihiin mabaadi’da dastuuriga ah ee daahfurnaanta, isla xisaabtanka iyo hufnaanta xilalka dadweynaha, iyagoo ugu baaqay Wasiirka Caafimaadka inuu tallaabo qaado si loo ilaaliyo danta guud.
Warqadda ayaa waxaa saxiixay Xoghayaha Guud ee ururka, Guddoomiyaha Qaranka iyo xubno kale oo ka tirsan hoggaanka ururka KMPDU.