Maraga oo ku eedeeyay dowladda hurinta rabshado lagu carqaladeeyo isu soo baxyada mucaaradka

0
419

Madaxii hore ee caddaaladda dalka David Maraga ayaa muujiyay suuragalnimada in mucaaradka ay sameeyaan isbahaysi mideysan ka hor doorashada guud ee 2027, isaga oo sheegay in wada hadallo u socdaan hoggaamiyayaal aragti wadaag ah si loo mideeyo taageerada loona dhiso loollan adag oo lagula tartamo Madaxweyne William Ruto.
Maraga oo ka hadlayay socdaal uu ku tegay deegaanka Kathonzweni ee ismaamulka Makueni ayaa sheegay in hoggaamiyeyaasha mucaaradka ay ka mideysan yihiin hal ujeeddo oo ah in madaxweynaha xilka haya uu ku ekaado hal muddo xileed.
Waxaa uu tilmaamay in wadatashiyo la sameyn doono si loo go’aamiyo cidda ugu habboon ee qaadi karta calanka mucaaradka doorashada 2027.
Maraga ayaa sidoo kale ku eedeeyay madaxweynaha inuu ku guuldareystay la dagaallanka musuqmaasuqa, isagoo sheegay in falalkaas ay si toos ah u wiiqeen adeegyada muhiimka ah sida waxbarashada iyo caafimaadka.
Waxaa uu ku dooday in maamul xumada hantida dadweynaha ay daciifisay hay’adaha dowliga ah isla markaana hoos u dhigtay kalsoonida shacabka ee nidaamka dowladeed.
Madaxii hore ee caddaaladda ayaa ballanqaaday in haddii la doorto uu mudnaanta siin doono la dagaallanka musuqmaasuqa, xoojinta hay’adaha kormeerka iyo adkeynta isla xisaabtanka kharashaadka dadweynaha.
Waxaa uu sidoo kale ugu baaqay shacabka dalka, gaar ahaan dhallinyarada, inay si tiro badan isu diiwaangeliyaan si ay u codeeyaan, isagoo sheegay in ka qaybgalka dhallinyarada uu door weyn ka qaadan doono jihada siyaasadeed ee dalka.
Dhanka kale, Maraga ayaa cambaareeyay rabshadihii dhowaan ka dhacay isu soo baxyada mucaaradka, isagoo ku eedeeyay dowladda inay hurinayso qalalaasahaas, isla markaana ka digay in dulqaad la’aanta siyaasadeed ay dalka gelin karto xasillooni darro.