DHEGEYSO:Hoggaamiyeyaasha Kenya Kwanza oo bilaabay diyaarinta safarka madaxweyne Ruto ee Trans Nzoia

0
312

Hoggaamiyeyaasha xisbiga Kenya Kwanza ee dowlad deegaanka Trans Nzoia ayaa shaaciyay qorshe ay ku booqanayaan dhammaan 25-ka waaxood ee ismaamulkaas si ay uga ururiyaan aragtida shacabka ee ku saabsan mashaariicda horumarineed ee loo baahan yahay. Qorshahan ayaa lagu diyaarinayaa ajandaha mudnaanta leh kahor safarka la filayo in Madaxweyne William Ruto ku tago halkaas bisha soo socota.
Iyagoo ka hadlayay waaxda Sitatunga, hoggaamiyeyaasha ayaa sheegeen in safarkaas uu siin doono fursad ay dadka deegaanka si toos ah ugu gudbiyaan cabashooyinkooda iyo talooyinkooda, isla markaana ay soo jeediyaan mashaariic la xiriira hagaajinta kaabayaasha, adeegyada caafimaadka, waxbarashada iyo horumarinta beeraha.
Waxaa ay sidoo kale ku boorriyeen shacabka Trans Nzoia inay la shaqeeyaan hoggaanka jira si loo dedejiyo hirgelinta mashaariicda la ansixin doono inta lagu jiro booqashada madaxweynaha.

Sidoo kale, hoggaamiyeyaasha Kenya Kwanza ayaa cambaareeyay ololaha Isbahaysiga Mucaaradka ee ka dhacay dowlad deegaanka Bomet, kaas oo uu hoggaaminayay ku xigeenkii hore ee madaxweynaha Rigathi Gachagua. Iyagoo ka hadlayay ismaamulka Kericho, hoggaamiyeyaasha taageersan dowladda ayaa difaacay Madaxweyne William Ruto, iyagoo sheegay in dhaliilaha mucaaradka aysan ku dhisneyn ajande horumarineed oo cad.
Hoggaamiyeyaasha oo uu hor kacaayay Senetarka Kericho Aaron Cheruiyot iyo Guddoomiyaha ismaamulka Erick Mutai ayaa sheegay in maamulka Kenya Kwanza uu sii wado fulinta ballanqaadyadiisa, isla markaana uusan ku mashquuleyn siyaasadda mucaaradka.
Waxaa ay sidoo kale dhaliileen hadallo dhowaan kasoo yeeray Gachagua oo sheegay in bulshada Kalenjin aysan lahayn hoggaan adag. Hoggaamiyeyaasha ayaa ku tilmaameen hadalladaas kuwo laga xumaado oo aan sal lahayn, iyagoo adkeeyay in deegaanka uu leeyahay hoggaamiyeyaal awood u leh inay difaacaan danaha shacabka isla markaana horumariyaan gobolka.