Rabshado ka qarxay dalka Mexico ka dib dilkii loo geystay hoggaamiyaha kooxda daroogada ee ‘El Mencho’

0
680

Mowjado rabshado ah ayaa ka qarxay dalka Mexico ka dib markii la dilay nin la dondoonayay oo ka ganacsanayay daroogada.
Ninkan ayaa dilay kadib markii howlgal lagu doonayay in lagu soo xiro.
Nemesio Oseguera Cervantes, oo loo yaqaan “El Mencho”, ayaa ahaa hoggaamiyaha kooxda daroogada ee Jalisco New Generation (CJNG) ee lagabaqo gudaha dalkaas, wuxuuna geeriyooday ka dib markii uu si xun ugu dhaawacmay iskahorimaadyo dhex maray taageerayaashiisa iyo ciidanka Axaddii.
Afar xubnood oo ka tirsan CJNG ayaa lagu dilay howlgalka ka dhacay magaalada Tapalpa, oo ku taal gobolka galbeedka dhexe ee Jalisco, saddex askari oo ka tirsan ciidanka ayaa sidoo kale la dhaawacay, sida ay sheegtay wasaaradda difaaca ee Mexico.
Dilkiisa ayaa keentay in rabshaduhu ay ku faafaan ugu yaraan toban gobol, iyadoo CJNG ay xireen waddooyinka halka ay sidoo kale dab qabadsiiyeen gawaari