Shacabka dalka ee u baahan raashinka gargaar ee 23 dowlad degaan ayaa ugu baaqay dowladda inay kordhiso gargaarka si looga hortago saameynta abaarta. In ka badan 3,000 oo qof oo deggan Malindi oo helay raashinka gargaar Sabtidii, ayaa sidoo kale dowladda ka codsaday in la hirgeliyo barnaamijyo waraabin ah oo waqti dheer ah si loo yareeyo ku tiirsanaanta gargaar mar kasta oo abaarta dhacdo.
Wasiirka Adeegga Dadweynaha iyo Barnaamijyada Gaarka ah Geoffrey Ruku oo kormeeray qeybinta raashinka gargaar ee dowlad deegaanka Wajeer, ayaa sheegay in dowladda labada bilood ee u dambeeyay ay isticmaashay lix bilyan oo shilinka dalka ah si ay u iibsato raashinka gargaarka.
Home Wararka Kenya DHEGEYSO:Dowladda oo bilowday qeybinta raashinka gargaar ee dadka ay abaaruhu saameeyeen




