Ciidamada Israa’iil oo toogasho ku dilay sideed qof oo Falastiiniyiin ah

0
134

Ciidamada Israa’iil ayaa ku dilay ugu yaraan sideed qof oo Falastiiniyiin weerarro cusub oo ka dhacay guud ahaan Qaza, taasoo ah xadgudub kale oo ay Israa’iil ku qaaday heshiiska xabad joojinta.
Afarta qof ee ugu horreysay ayaa lagu dilay weerar Israa’iil ay ku qaaday magaalada Khaan Yuunis ee koonfurta Qaza Axadda maanta ah, sida uu sheegay ilo ka tirsan isbitaalka Nasser. Weerarka ayaa ka dhacay meel ka baxsan waxa loogu yeero “Xariiqda Huruudda” halkaas oo ciidamada Israa’iil ay joogaan.
Afarta kale ayaa la dilay markii ciidamada Israa’iil ay weerareen teendho ay deggan yihiin dadka barakacay ee deegaanka Fallujah ee waqooyiga Qaza, sida uu sheegay ilo ka tirsan isbitaalka al-Shifa.
Mas’uuliyiinta Qaza ayaa sheegay in Israa’iil ay ka gudubtay heshiiska joojin dagaalka ee uu dhex dhexaadiyay Mareykanka in ka badan 1,500 jeer tan iyo markii la dhaqan geliyay 10-kii Oktoobar ee sanadkii hore, iyadoo ugu yaraan 591 qof la dilay in ka badane 1,590 kalena lagu dhaawacay.