Booliiska dalka waxay baarayaan dhacdo ay haweeney 96 jir ah ku dhimatay dab ka kacay aaga Githioro, ee dowlad deegaanka Nakuru.
Boliisku waxay sheegeen in haweeneyda lagu magacaabo Ngendo Mwangi ay kaligeed ahayd markii dabku kacay.
Boolisku si degdeg ah uma xaqiijin sababta dabka keentay.
Meydka ayaa loo qaaday qolka meydka iyadoo la sugayo baaritaan sida ay sheegeen booliisku.
Koox baarayaal ah ayaa booqday goobta ay dhacadan ka dhacday si loo sameeyo baaritaano dheeraad ah.




