Milatariga Soomaaliya iyo AL-shabab oo isku fara saaray gobolka Baay

0
482

Dagaal culus oo u dhaxeeyay Ciidamada Xoogga Soomaaliya iyo Al-Shabaab ayaa waxaa uu ka dhacay degaanka Deeynuunaay oo u dhow Magaalada Baydhabo ee Xarunta Gobolka Baay.
Dagaalka ayaa waxaa uu yimid kadib markii Al-Shabaab ay weerar ku qaadeen Saldhiga Ciidamada dowladu ku leeyihiin degaanka Deeynuunaay, waxaana halkaasi ka dhacay dagaal culus oo Maanta Barqadii soo gaaray, kaasoo geystay khasaare kala duwan sida ay wararku sheegayaan.
Saraakiil ka tirsan Ciidamada Koonfur Galbeed oo dagaalka qayb ka ahaa ayaa sheegay inay iska difaaceen weerarka kaga yimid dhinaca Al-Shabaab, isla markaana ay qasaaro gaarsiiyeen.
Dhinaca kale Al-Shabaab oo dhankooda ka hadlay dagaalka ayaa waxaa ay sheegeen inay la wareegeen Saldhigyada Ciidamada dowladda ee degaanka Deeynuunaay kadib weerar culus oo ay ku qaadeen.
Saraakiisha Ciidamada dowladda Soomaaliya ee qeybta 60aad ayaan weli si faah faahsan uga hadlin dagaalkaan, waxaana aad u yar wararka laga heli karo dagaalka Gobolka Baay kadib markii Isgaarsiinta Hawada laga saaray.
Saaka markii uu dagaalkaan ka bilowday deegaanka Daynuunaay ee gobolka Baay ayay Wararku sheegayaan in gabi ahaanba isgaarsiinta Hawada laga Saaray aysana jirin warar Sax ah oo laga Heli karo dagaalka ka socda deegaanka Daynuunaay ee Gobolkaasi Baay.