Madaxweyne Petro oo sheegay inuu ka badbaaday qorshe dil ah

0
255

Madaxweynaha Colombia Gustavo Petro ayaa sheegay inuu ka badbaaday isku day dil isaga oo ay la socdeen gabdhihiisa, ka dib markii bilooyin uu ka digayey qorshe lagu doonayey in noloshiisa lagu waxyeleeyo, oo ay maleegayeen dad uu sheege inay daroogada ka ganacsadaan.
Petro ayaa sheegay Talaadadii in diyaradiisa qumaatiga u kacda uu uga degi waayay meel ku taalla xeebta Karibiyaanka ee Colombia Isniintii, sababo la xiriira cabsi laga qabo in dad aan la garanayn ay rasaas ku furaan kolonyadiisa.
Isagoo ka qayb galay shirka golaha wasiirrada ee gobolka Cordoba, Petro ayaa sheegay inuu si weyn u beddelay qorshihiisa safarka sababo la xiriira hanjabaadaha noloshiisa, iyadoo roobab culus iyo fatahaado ka dhacay goobta ay sababeen xaalad bani’aadminimo oo degdeg ah.