Sarkaal sare oo ka tirsnaa guddiga IEBC oo xilkiisa iska casilay

0
306

Marjan Hussein Marjan ayaa iska casilay xilka Madaxa Fulinta ee Guddiga Madaxa-bannaan ee Doorashooyinka (IEBC) iyo sidoo kale xoghayaha guddiga.
War-saxaafadeed uu soo saaray caawa ayuu kaga dhawaaqay in uu ka tagay shaqadii uu ka hayay guddiga IEBC.
Marjan, oo ka shaqeynayay guddiga tan iyo sanadkii 2015, ayaa lagu sheegay in go’aankan uu gaaray ka dib wadatashi dhexmaray isaga iyo mas’uuliyiinta sare ee guddiga.
“Tani waxay soo afjaraysaa muddadii uu ka shaqeynayay IEBC waxayna calaamad u tahay bilowga geeddi-socodka lagu shaqaaleysiinayo Maamulaha Guud iyo Xoghayaha Guddiga cusub.
IEBC waxay ku dhawaaqi doontaa beddel ku-meel-gaar ah oo noqon doona Ku-simaha Agaasimaha Guud/Xoghayaha waqtiga ku habboon,” ayaa lagu yiri bayaanka.
“Isbeddellada ka socda Xoghaynta waa qayb ka mid ah dib-u-habaynta muhiimka ah ee loogu talagalay xoojinta diyaargarowga doorashooyiinka guud sanadka 2027-ka ayaa sido kale lagu yiri bayaanka IEBC.
“Waxaan uga mahadcelineynaa Mr. Marjan dadaalkiisa iyo adeeggiisa xirfadeed ee uu u hayo IEBC, waxaana u rajeyneynaa inuu ku guuleysto dadaalkiisa mustaqbalka,” ayuu raaciyay Ethekon.
War-saxaafadeed uu soo saaray fiidnimada caawa Guddoomiyaha IEBC Erastus Ethekon ayuu uga mahadceliyay Mr. Marjan dadaalkiisa iyo adeeggiisa xirfadeed ee uu u hayay IEBC.
Iscasilaadda Marjan ayaa ka dambeysay cadaadis sii kordhayay oo kaga imanayay xisbiyada mucaaradka oo dalbaday inuu xilka ka dego ka hor Doorashada Guud ee soo socota.
Hoggaamiyaha Xisbiga Wiper Kalonzo Musyoka ayaa ku eedeeyay Marjan inuu si degdeg ah u cusbooneysiiyay qandaraaska Smartmatic, oo ah shirkadda bixisay qalabka doorashooyinkii sanadkii 2022.
Kalonzo ayaa ka digay in doorashada soo socota aysan noqon karin mid xor ah oo caddaalad ah haddii Marjan uu xilka sii hayo.