Hay’adda aan dowliga ahayn ee Oxfam ayaa shaaca ka qaaday in aysan bixin doonin xogta shaqaalaheeda Falastiiniyiinta ee Qaza, iyadoo sabab uga dhigatay weerarada ciidanka Israa’iil ee halkaas ka dhacay oo boqolaal ka mid ah shaqaalaha gargaarka lagu dilay.
Sannadkii hore, Israa’iil ayaa dalbatay in qaar ka mid ah hay’adaha caalamiga ah ee gargaarka bini’aadminimo ka shaqeeya Qaza, Daanta Galbeed ee la haysto iyo Bariga Qudus ee la haysto ay bixiyaan faahfaahinta macluumaadka shaqaalahooda, howlaha ay wadaan iyo maalgelinta, taas oo qayb ka ahayd kormeerka loogu sameynayo hay’adaha gargaarka Falastiiniyiinta.
1-dii bishan Janaayo, maamulka Netanyahu ayaa kala laabtay leesinka 37 hay’adood oo gargaarka bixiya, oo ay ku jiraan Golaha Qaxootiga Norway NRC, Guddiga Badbaadada Caalamiga IRC iyo Oxfam, iyadoo ku eedeysay inaysan u hoggaansamin “heerarka amniga iyo hufnaanta” ee cusub. Si kastaba ha ahaate, Oxfam ayaa cadaysay in aysan la wadaagi doonin xogta shaqaalaheeda Falastiiniyiinta, iyada oo ilaalinaysa mabaadi’da bini’aadminimada, masuuliyadda ilaalinta shaqaalaha iyo shuruudaha ilaalinta xogta.




